Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig Ku Fashilmay Chelsea

0
7

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa soo gashay tartanka loogu jiro Christopher Nkunku, waxaana socda wadahadalo ku saabsan suurtagalnimada heshiiska ay kula soo wareegayaan weeraryahanka Chelsea xagaagan.

Nkunku ayaa ku biiray Chelsea iyada oo laga filayay waxyaabo badan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay kooxda RB Leipzig sanadkii 2023.

Laakin 27-sano jirkaan ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo waxana uu kaliya Blues u dhaliyay 6 gool horyaalka premier League.

Bishii la soo dhaafay, waxaa la sheegay in Nkunku uu gudbiyay codsi ah in la iibiyo si uu u joojiyo joogitaankiisa Stamford Bridge ee niyad jabka leh dhamaadka xilli ciyaareedka.

Nkunku ayaa doonaya in uu dib u soo nooleeyo xirfadiisa waxana uu doonaya in uu ku biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Sida laga soo xigtay daabacaadda Faransiiska ee Foot Mercato, Nkunku wuxuu isku arkay liiska magacyada Liverpool ee bartilmaameedyada ‘waxana ay bilaabeen wadahadalo’ ku saabsan helitaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here