Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaaga

0
38

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo dar-dar galinaya dadaalada ay ku doonayso in ay ku xoojiso kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Liverpool ayaa wadahadalo la bilowday kooxda Bournemouth oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga Milos Kerkez kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxda.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Liverpool haatan wadahadalo la bilowday kooxda Bournemouth si ay u helaan saxiixa xiddiga Milos Kerkez.

Dhinaca kale Romano ayaa sheegay in Liverpool wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Milos Kerkez.

Reds ayaa isku diyaarinaysa in ay bixiso lacag dhan 45 milyan oo euro oo ah lacagta ay Borunemouth doonayso in ay ku iibiso xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here