Liverpool Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Xiddig Ka Ciyaara Premier League

0
7

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa si xoogan uga fiirsanaysa in ay lacag badan ugu dhaqaaqdo xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak iyaga oo wadahadalo la furay wakiilada xiddiga.

Isak ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican premier League isaga oo dhaliyay 58 gool 100 kulan oo uu u ciyaaray Newcastle.

Xiddiga reer Sweden ayaa dhaliyay gool kulankii ay Liverpool 2/1 kaga badisay final-kii Carabao Cup-ka.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin PSG, Arsenal Iyo kooxo badan oo kale.

Laakiin Hogaamiyayaasha Premier League ayaa Talaabo u qaaday saxiixa xiddiga iyada oo la xidhiidhay wakiilada xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here