Liverpool oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Sheffield United oo ay booqatay

0
306

Sheffield(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane, kaddib markii ay kaga so adkaatay 0-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay laacibkooda Curtis Jones.

65 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa la timid gool labaad, kaddib markii uu 0-2 ka dhigay xiddigooda reer Brazil ee Roberto Firmino, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.

Ugu dambentii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Liverpool kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane, Reds ayaa wali ku jirta booska 6-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursadeen 43 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here