Liverpool Oo Newcastle Ula Tagtay Qorshe Ay Ku Doonayso Saxiixa Alexander Isak

0
13

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay lacag Iyo waliba xiddiga Darwin Nunez u soo bandhigtay Newcastle si ay u hesho saxiixa xiddiga Alexander Isak, sida ay wararku sheegayaan.

Isak waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu qaab ciyaareedka fiican adduunka, isagoo dhaliyay 22 gool, waxaana uu sameeyay shan caawin 31 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Goolkii ugu dambeeyay ee uu dhaliyay waxa ay aheyd ciyaartii wareega shanaad ee FA Cup-ka oo ay guuldarro ka soo gaartay Brighton axadii, inkastoo Sweden uu markii dambe ka baxay garoonka, islamarkaana uu haatan shaki ku jiro inuu ciyaari karo finalka Carabao Cup.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa oo jiitay kooxaha waaweyn ee Premier League Liverpool ayaana si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga.

Liverpool oo ka quusatay Nunez ayaa u aragta Isak in uu dhamaystiri doono weerarka kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here