Liverpool Oo La Xaqiijiyay In Ay Dhamaystirto Saxiixeedii 5-aad Ee Xagaaga.

0
7

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Eintracht Frankfurt ee Dino Toppmöller ayaa xaqiijiyay in uu weeraryahankiisu Hugo Ekitike ku biiri doono kooxda Liverpool xagaagan.

Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Hugo Ekitike kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka cusub.

“Waa Lumin qadhaadh, waxa aan luminaynaa ciyaartoygeena ugu fiican”ayuu yidhi tababaraha Eintracht Frankfurt.

“Ekiteke waxa uu sameeyay horumar weyn waxana uu qoray cutub cusub oo taariikhda ah laakiin haatan waa naga tagayaa”ayuu sii raaciyay.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga saacadaha ama maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here