Liverpool Oo Iska Xaadirisay Finalka FA Cup & Pep Guardiola Oo Guul-darro Waqti Hore Ah Aqbalay

0
155

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska xaadirisay finalka tartanka FA Cup, kaddib mariii ay 3-2 ku garaacday Manchester City semi-finalka oo ay ku ciyaareen garoonka Wembley.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen labada ciyaartoy ee Muslimiinta ah ee Sadio Mane iyo Ibrahima Konate ayaa Liverpool u diray finalka tartanka, xilli ay Man City qaybtii dambe fursado badan iska khasaarisay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaartan kusoo bilaabay toddoba ciyaartoy oo uu nasiyey kulankii Benfica ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, waxaana weerarka tooska ah ka dhaaciyay Sadio Mane oo bandhig fiican muujiyey.

Daqiiqaddii sagaalaad ee bilowga ciyaarta ayay Liverpool heshay goolka koowaad, waxaana koorne uu soo laaday Andy Robertson madax awood badan ku qabtay Ibrahima Konate oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa.

Liverpool ayaa si aad ah uga awood badnayd Liverpool qaybtii hore, waxaana khadka dhexe qabsaday Naby Keita iyo Thiago Alcantara oo u diiday Man City inay isku dhiibto kubbadihii lagu yaqaanay, taas oo ku qasabtay inay xataa qaladaad xun sameeyaan ciyaartoyda Manchester City oo ay ciyaartu ku jiiftay, iyadoo Pep Guardiola uu kulankan nasiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah.

Sadio Mane ayaa daqiiqaddii 17aad ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey goolhayaha Manchester City ee Zack Steffen oo kubbad baas ahayd oo loo dhiibay la sugay Sadio Mane oo orod kusoo gaadhay, kaddibna ku qabtay oo shabaqa kooxdiisa u weydaariyey.

Ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin ayay Liverpool keensatay gool kale oo saddexaad oo uu u dhaliyey Sadio Mane oo ahaa xiddiga Liverpool ee la qaban kari la’aa. Kubbad uu Thiago Alcantara ugu dhiibay goolka agtiisa ayuu laacibka reer Senegal darbo xooggan ku qabtay, waxaanu ku hubsaday shabaqa, iyadoo qaybtii horena kusoo dhamaatay 3-0.

Manchester City ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad waxay la timid gool degdeg ahaa oo uu u dhaliyey Gabriel Jesus, waxaanu goolkaasi soo nooleeyay niyadooda oo qaybtii hore u akayd inay dhimatay oo ay guul-darrada aqbaleen.

Waxyar kaddib goolka Man City ayaa waxa kale oo fursad kale oo fiican helay Gabriel Jesus oo goolhayaha ula tegay kubbad loosoo dhaafiyey difaaca, balse waxa ka qabtay Alisson, waxaanay sidaas ugu noqotay koorne.

Fernandinho ayaa kubbad uu goolka hortiisa ka helay waxa uu ku miisaamay lugta midig, si uu shabaqa si awood badan ugu hubsado dhamaadkii ciyaarta, hase yeeshee way ka dallacantay, waxaana sidoo kale fursad fiican khasaariyey Raheem Sterling oo maqane jooga ka ahaa ciyaarta, kaas oo waqtigii dheeraadka goolka ku toogtay kubbad uu goolhayaha ku hagaajiyey.

Bernardo Silva ayaa gool labaad u dhaliyey Manchester City daqiiqaddii 90+1, markaas oo uu goolka hortiisa ka helay kubbad uu dhinaca midig kala soo galay Riyad Mahrez oo kubadda kasoo dhex saaray labada lugood ee goolhaye Alisson.

Mohamed Salah ayaa laba fursadood oo halis ahaa ka khasaariyey kooxdiisa, waxaana ugu mudnayd kubbad uu ka xaasiday Roberto Firmino iyo Diogo Jota oo meel bannaan u taagnaa, marka horena kubadda uga shaqeeyey oo difaacyahannada u dhaafiyey, taas oo halkii uu baas ka bixin lahaa uu goolka ku toogtay balse uu garab mariyey.

Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta waxa uu lumiyey fursad isaga oo difaacyahannada la dhaafay kubadda, waxaana kusoo baxay goolhaye Zack Steffen oo ka qabtay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Liverpool oo finalka ku sugaysa Chelsea iyo Crystal Palace oo berri wada ciyaaraya midkooda soo gudba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here