Liverpool oo guul ka gaartay Kooxda Tottenham Hotspur

0
413

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa Garoonka Tottenham Hotspur Stadium ku garaacday Kooxda Tottenham kulan ka tirsan kulamada  Horyaalka Premier League ee dalka Ingariiska .

Liverpool oo aad liidatay kulamadii ugu danbeeyay ayaa boorka dib iskaga jiftay xalay iyadoo 3-1 ku garaacday Gooxda Tottenham.

Qeybta hore ciyaarta ayey kooxda Liverpool la timid ilaa hal gool goolkaasna waxaa u dhaliyay xidiiga Roberto Firmino daqiiqadii 45+4 iyadoo lagu kala nastay goolkaasi.

Qeybta dambe coiyaarta ayaa ku bilaawatay weeraro is daba joog ah oo ay soo qaadeysay kooxda Liverpool waxay la timid goolka Labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xiddiga Trent Alexander-Arnold daqiiqadii 47-aad oo uu hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Liverpool.

kooxda Tottenham ayaa heshay hal gool waxaana u dhaliyey xiddiga Pierre-Emile Hoejbjerg kaas oo soo taabtay shabaqa kooxda liverpool Daqiiqadii 47-aad,

Kooxda Liverpool ayaa la timid goolka Sadexaad ee ciyaarta kaas oo uu u dhaliyey xiddiga Sadio Mane Daqiiqadii 65-aad guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 3-1 oo ay ku adkaatay Kooxda Liverpool.

Guusha ay Liverpool gaartay ayaa ka dhigan in ay fadhido booska 4-aad ee horyaaalka Premier League iyadoona leh 37 dhibcood halka Tottenham ay leedahay 33 Dhibcood oo ay iyaduna Fadhido booska 6-aad ee kala Sareynta Horyaalka.ImageImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here