Liverpool oo go’aan ka Gaartay mustaqbalka Mohamed Salah

0
38

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga Mohamed Salah kaas oo lala xidhiidhinayo kooxaha sucuudiga.

Warar badan ayaa Salah la xidhiidhinayay kooxaha sucuudiga kuwaas oo doonayay in ay lacag badan kuls oo wareegaan.

Shabakadda “Yalla Koura” ayaa daaha ka qaaday, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan kooxda, in Liverpool ay ku adkeysaneyso inay sii haysato Salah, iyadoo diidaysa bixitaankiisa, iyo in faylka Sacuudiga uu xirnaa tan iyo xilli ciyaareedkii hore.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tababaraha cusub ee kooxda Arne Slot uu doonayo in uu Salah ka qayb ahaado qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato Salah kadib markii uu tababare Slot codsaday in laga saxiixo xiddiga heshiis cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here