Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Alexander Isak.

0
9

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wargeysyada ayaa daaha ka qaaday in kooxda Liverpool ay go’aansatay inaysan sii wadin wadahadalada ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Sweden Alexander Isak.

Weriyaha lagu kalsoon yahay ee Ben Jacobs ayaa ku xaqiijiyay akoonkiisa X in Liverpool aysan qorsheyneynin inay dalab cusub ka gudbiso Isak, ka dib markii Newcastle ay diiday dalabkii ugu horeeyay ee 110 milyan oo dhamaa 110 milyan oo euro.

Ben Jacobs ayaa sharaxay in maamulka Liverpool ay u arkaan in wadahadalada ay sii socdaan aysan waxba dhalin hadii aysan Newcastle badalin go’aankooda.

Waxaa xusid mudan in Isak oo 25 sano jir ah uu Newcastle kula jiro  Heshiis ilaa sanadka 2028.

Xiddiga reer Sweden ayaa dhaliyay 27 gool halka uu caawiyay 6 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here