Liverpool oo garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Arsenal

0
307

England(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaadatay naadiga Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca saddexaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpoo.

Daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Alexandre Lacazette.

Balse 28 daqiiqo marka ay dheeshu aheyd Liverpool ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Sadio Mane.

Kooxda Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta daqiiqadii 34-aad, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 2-1 Andrew Robertson, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Trent Alexander-Arnold

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 88-aad kooxda Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 3-1 ka dhigay Diogo Jota.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Reds ayaana guul gaartay kulankeeda saddexaad xiriir ah kal ciyaareedkan cusub ee 2020/21.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here