Liverpool oo garoonkeeda Anfield guul sahlan kaga gaartay kooxda Wolverhampton

0
263

Liverpool(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul sahlan kaga gaartay kooxda Wolverhampton, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 24-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay laacibka reer Masar ee Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad Liverpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Georginio Wijnaldum, xilli uu caawinta goolkan lahaa Jordan Henderson.

67 daqiiqo Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaanka dheesha waxaana 3-0 ka dhigay Joel Matip, iyadoo uu Mohamed Salah uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Wolverhampton ayaa si toos ah u niyadjabtay kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddigooda Nelson Semedo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 4-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-0 ay Liverpool kaga adkaatay kooxda Wolverhampton oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, xilli Reds ay booska labaad kaga jirto dhanka kala sareynta ee horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here