Liverpool Oo Badisay Iyadoo Aan Gool Dhalinin & Guul Ay Ku Soo Xireen Sannadka 2022

0
267

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa guul ku soo xirtay sannadkan dhamaanaya ee 2020ka ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Leicester City laakiin goolashaas kama imaanin ciyaartoydooda, waxaana hadiyad u siiyay daafaca Leicester Wout Faes oo labada goolba iska dhaliyay.

Reds ayaa hogaanka looga hormaray bilowgii qeybta hore laakiin waxay ku badiyeen labada gool uu iska dhaliyay Faes taasoo ka dhigeysa inay haatan labo dhibcood kaliya ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad e Tottenham

Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si qalqal leh inkastoo gurigooda lagu ciyaarayay. Liecester City ayayna ku qaadatay kaliya afar daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta ka dib markii xiddigooda Dewsbury-Hall uu si sahlan isaga dhex maray daafacyada Reds isagoo kubada la kor tagay goolhaye Alisson uu dhinac dhigay.

Goolka ka dib Liverpool ayaa hurdada kacday iyagoo isku dayayay inay ciyaarta dib ugu soo laabtaan waxayna u suurtogashay daqiiqadii 38aad markii karoos u soo dhigay Alexander-Arnold uu shabaqa iska geliyay Wout Faes.

Kubada Alexander-Arnold waxaa u diyaarsanaa inuu qabsado goolhayaha laakiin daafacaan oo aan dhageysanin qeylada goolhayihiisa ayaa damcay inuu kubada bixiyo balse waxay ku nasatay shabaqa.

Todoba daqiiqo ka dib Wout Faes ayaa mar kale shabaqa iska soo taabtay isagoo hogaanka u dhiibay Liverpool ka dib markii uu shabaqiisa ku tolay kubad uu birta ku garaacay Darwin Nunez.

Daafacaan ayaana noqonaya xiddigii afaraad ee labo gool iska dhaliya hal kulan oo Premier League ah. Wixii ku biirayaa after Jamie Carragher (1999, Liverpool vs Man Utd), Michael Proctor (2003, Sunderland vs Charlton) iyo Jonathan Walters (2013, Stoke vs Chelsea).

Bilowgii qeybta labaad Leicester ayaa weerar ku soo gashay iyagoo fursado dhowr ah abuuray laakiin waa ay haleeli waayeen inay shabaqa ka soo taabtaan Alisson.

Darwin Nunez ayaa isna sida caadiga aheyd ka qasaariyay Liverpool dhowr fursadood oo gool loo fishay. Wuxuu Nunez marayaa 15 fursadood oo uu qasaariyay xilli ciyaareedkan.

Goolhaye Ward ayaa isna dhamaadkii ciyaarta waxa uu fursad halis aheyd ka badbaadiyay Mohamed Salah.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Liverpool ku garaacday Leicester City iyagoo sannadkan 2022 ku soo xiray guul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here