Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Ay Raul & Ronaldo Horey U Dhigeen Champions League

0
475

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Reer Spain ee Barcelona ayaa Guul Ka Gaadhay Kooxda Reer Cezch ee Slavia Prague Kulan a Tirsanaa Wareega Group-yada Tartanka Champions League kulankoodii 3-aad ee Tartanka.

Goolal ay Dhaliyeen Lionel Messi iyo Gool ay iska Dhaliyeen Xiddiga Slavia Prague ah Kadib markii uu Suarez ku Laagay kubad ayaa Barcelona ka caawiyay in ay gaadho guul ay hogaanka Group-ka ku qabato.

Sidii caadada ahayd xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa Rikoor Kala Baxay Kulanka Kadib Markii uu Dhaliyay Goolka.

Kadib Kulankaas Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa Bar-bareeyay Rikoor ay Tartanka Champions League Ka Dhigeen Halyeeyada Real Madrid ee Raul & Cristiano Ronaldo.

Kooxda  Slavia Prague ayaa Noqotay Kooxdii 33-aad ee Kala Duwan ee uu Lionel Messi Gool Kaga Dhaliyo Tartanka Champions League isaga oo Bar-bareeyay Xiddigaha Raul & Cristiano Ronaldo.

Sidoo kale Weeraryahanka Kooxda Barcelona ayaa Noqday Xiddigii ugu Horeeyay ee Taariikhda Champions League ugu yaraan Gool Dhaliyay Hal Gool 15 xilli ciyaareed oo Xidhiidh ah oo Tartanka ah.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here