Liiska xiddigaha Kooxda Manchester United ay maanta kala hortagayso Liverpool oo la shaaciyey

0
234

Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha Kooxda kubadda cagta Manchester United kuwaasoo wajihi doona naadiga Liverpool kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda mid dhammaan xiddigihiisa ay taam u yihiin, isla markaana walwal la’aan ku wajahaya kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool kulanka maqribnimada maanta ka dhacaya garoonka Old Trafford.

Man United waxaa kaliya dhaawac uga maqan kulankan Anthony Martial iyo Phil Jones, waxaana dhammaan xiddigaha kale ay yihiin kuwo taas u ah kulanka Liverpool, iyadoo xitaa uu liiskan ka mid yahay Marcus Rashford oo muddooyinkii dambe shaki laga galinyey kulankan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Manchester United ee maanta wajahaya Liverpool:-

Goolhayeyaasha: David de Gea, Dean Henderson, Lee Grant.

Daafacyada: Luke Shaw, Harry Maguire, Brandon Williams, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka, Axel Tuanzebe, Alex Telles, Eric Bailly.

Khadka dhexe: Paul Pogba, Bruno Fernandes, Fred, Donny van de Beek, Juan Mata, Nemanja Matic, Scott McTominay.

Weerarka: Edinson Cavani, Marcus Rashford, Amad, Mason Greenwood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here