Ligue 1 oo caawa lasoo xiri doono iyo laba naadi oo ku dagaallamaya hanashada horyaalka Faransiiska

0
250

France(Idaacadda Waamo)-Horyaalka dalka Faransiiska ee Ligue 1 ayaa caawa lasoo gaba-gabeyn doonaa iyadoo kooxaha Lille iyo Paris Saint-Germain ay isla soo gaareen kulammada 38-aad ee horyaalka.

Lille ayaa haatan booska koowaad ku jirta iyadoo leh 80 dhibcood, waxayna dhibic ka sarreysaa naadiga PSG oo leh 79 dhibcood.

Hoggaamiyeyaasha waxay u baahan yihiin guul kulanka ay caawa booqaneyso naadiga Angers taasoo u xaqiijin doonta inay horyaalka ku guuleysato, balse Paris ayaa u baahan inay guuleysato ciyaarta ay u safreyso kooxda Brest isla markaasna ay guul gaari weyso Lille si ay u hanato Ligue 1.

Haddii ay Lille guuldarro la kulanto oo ay sidoo kalena PSG barbarro gasho waxay labada naadi isla yeelan doonaan 80 dhibcood, sidaas darteed, waxaa lagu kala saari doonaa faqriga goolasha taasoo rajo wacan siineysa PSG.

Geesta kale, waxaanan weli dhammaanin loolanka kooxda soo raaceysa labadan naadi ee Champions League ka qayb galeysa xilli ciyaareedka dambe iyadoo haatan ay ku dagaallamayaan booskaas Monaco oo booska saddexaad ku heysata 77 dhibcood iyoo Lyon oo booska afaraad kulam jirta 76 dhibcood, waxaase xusid mudan in keliya hal koox ay soo bixi karto maadaama horyaalka Faransiiska uusan UCL ku lahayn afar boos.

Marka laga soo tago boosaska sare, qaybta ugu hooseysa ayaa sidoo kale waxaa ka jira hardan xooggan inkastoo labo ka mid ah saddexda laabaneysa la xaqiijiyay waana labada naadi ee kala Nimes iyo Dijon, waxaase soo raaci kara midkood Reims, Bordeaux, Strasbourg, Brest, Lorient iyo Nantes kuwaasoo dhibcahoodu ay u dhexeeyaan 40 dhibcood illaa 42 dhibcood.

Dhammaan kulammada Ligue 1 ee caawa la ciyaari doono

10:00 Habeennimo: Angers vs Lille

10:00 Habeennimo: Brest vs PSG

10:00 Habeennimo: Lens vs Monaco

10:00 Habeennimo: Lyon vs Nice

10:00 Habeennimo: Metz vs Marsielle

10:00 Habeennimo: Nantes vs Montpillier

10:00 Habeennimo: Reims vs Bordeaux

10:00 Habeennimo: Rennes vs Nimes

10:00 Habeennimo: Saint-Etienne vs Dijon

10:00 Habeennimo: Strasbourg vs Lorient

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here