Lewandowski oo Sheegay Xiddiga u Qalma Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadkaan

0
198

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Robert Lewandowski ayaa go’aan ka soo saaray cidda uu u arko inay u qalanto ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or sanadkan.

Weeraryahanka Kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski  ayaa sheegay xiddiga Real Madrid ee ​​Karim Benzema u qalmo abaalmarinta sanadkan.

“Benzema waxa ay u badan tahay in uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu cadcad, hadii ayna joojin abaalmarinta, waxa ay u badantahay in uu ku guulaysto”ayuu Lewandowski u sheegay Barca TV.

Lewandowski ayaa si maldahan ugu diganaya majalada France Football oo abaalmarinta joojisay sanadkii 2020 markaas oo uu isagu ahaa xiddiga ugu cad-cad ku guulaysigeeda.

Sanadkii 2021 ayaa mar kale dib loo bixiyay abaalmarinta waxana ku guulaystay xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here