Leny Yoro Oo Fariin U Diray Dadka Dhaleeceeya Man United

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Daafaca Manchester United Leny Yoro ayaa si geesinimo leh u sheegay in dad badan ay doonayaan in Red Devils ay fashilanto isagoo digniin adag u diray dadka wax ka sheega kuwaas oo weeraray qaab ciyaareedka kooxda ka dib xilli ciyaareedkii 2024-25.

Yoro waxaa hareeyay dhaawacyo badan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Old Trafford wuxuuna ku soo bilowday kaliya 12 kulan oo Premier League ah.

United ayaa si guul ah u soo gabagabaysay safarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay ku joogtay dalka Maraykanka, halkaas oo ay badisay laba ka mid ah saddexdii kulan ee ay ciyaartay, waxana ay bar-baro la gashay Everton kulankoodii ugu dambeeyay Axadii.

Ka dib markii uu ka soo muuqday safka hore ee dhammaan seddexdii kulan ee America, Yoro wuxuu hadda rajo ka qabaa inuu ku guuleysto koobab kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta, Yoro ayaa yiri: “Waxaa jira dad badan oo doonaya inaan ku guuldareysano waana ognahay taas. Laakiin sidoo kale waxaa jira dad badan oo doonaya inaan guulo gaadhno Kaliya waxaan diiradda saareynaa taageerayaasha, waad ogtahay. Ma daneyno in aan ka fikirno dadka ka baxsan kooxda”

“Cid walba wax xun ayay Naga sheegtay xilli ciyaareedkii hore Laakiin waan fahamsanahay sababtoo ah ma aanan sameynin si fiican. ”

Daafaca reer France ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Laakin xiliciyaareed kaan wuu ka duwanaan doonaa, anaga ayaan rajeynayaa, uma baahnno inaan maqalno tan oo kaliya inaan diirada saarno nafteena, marka aad u ciyaareyso Manchester United, waxaad u baahan tahay inaad maskaxda ku hayso inaad noqoto nooca ugu fiican ee naftaada”.

“Waxay ila tahay wixii ay sameeyeen xilli ciyaareedkii hore in ay khalad nagu ahaayeen, marka aad Manchester United tahay, booskan ma joogi kartid, taageerayaashu way garanayaan, qof kastaa wuu garanayaa, waxaan filayaa in aanu sidan fahannay, xilli ciyaareedkan wuu naga duwanaan doonaa, waxa uu noqon doonaa sidii aargoosi xilli ciyaareedkii hore, waxa aanu u baahanahay in aanu samayno wax ka fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here