Lacagtii Dahabka ee boqortooyadii Cabaasiyiinta oo 1,100 sano ka dib la helay

0
417

Talaabiib(Idaacadda Waamo)Dhallinyaro si iskood ah gacan uga geysanaya in la qodo meelo taariikhi ah oo ku yaalla Bartamaha Israa’iil, ayaa waxay heleen 425 shilin oo dahab ah oo lagu aasay meel dhoobo ah. Waxaa la qiyaasayaa in 1,100 sano ka hor halkaas lagu aasay.

Dahabkan lacagta ah wuxuu badankiisa ahaa xilligii ugu horreysay ee Islaamka uu ku fiday halkaas, gaar ahaan xilligii Khilaafadii Cabaasiyiinta.

Shilimaadkan wuxuu culeyskoodu gaarayaa 845g, waxaana suuragal ah in lacag aad u badan ay ahayd xilligii la aasayay – dhaqaale ku filmaan in guri wayn oo raaxo ah looga iibsado deegaannadii khilaafada.

Lama oga ciddii lahay iyo sababta aysan ugu soo noqon lacagtaas.

“Qofkii lahaa dhaqaalahan ee 1,100 sano ka hor aasay, waxaa suuragal ah inuu rabay in uu dib ugu soo noqdo, xitaa doonta wuu adkeystay si aysan u dhaqaaqin,” sida ay sheegeen agaasimeyaasha dhallinyarada soo quftay dahabta ee lagu kala magacaabo Liat Nadav-Ziv iyo Elie Haddad. Waxay hadalkaas ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Waxay qoraalka ku sheegeen: “In la helo shilimaad dahab ah, oo cadadkoodu intaan la eg yahay, waa arrin aad dhif iyo naadir u ah. Waxay u badan tahay in aan weligeed laga helin meelaha taariikhiga ah ee la qodo, iyadoo la og yahay in dahabka uu markasta qiimo lahaa. Waa la dhalaaliyay, waxaana isu soo dhiibay jiilal badan.”

Ninka dhallinyarada ah ee helay dahabkan, Oz Cohen, wuxuu sheegay: “Waa arrin cajiib ah. Dhulka ayaan qoday, markii aan xoogaa wadayna, waxaan arkay wax u eg caleen yaryar. Markii aan eegayna waxayba noqdeen shilimaad dahab ah.”

Xigasho/BBC SOOMAALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here