Laacibka Manchester City ee Ferran Torres oo jebiyay rikoor u yaallay Kabtanka Barcelona

0
217

Manchester(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Ferran Torres ayaa xalay jebiyay rikoor u yaallay laacibka Barcelona ee Lionel Messi muddo 11 sano ah.

Torres ayaa xalay saddexley u dhaliyay Man City si ay uga soo laabato goolal ay ku yeelatay kooxda New Castle United oo ciyaar ay kooxda horyaalka qaadday ku adkaatay 3-4.

21-sano jirkaan ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee saddexley kulammada horyaallada ugu dhaliya koox uu macallin u yahay Pep Guardiola, waxaana rikoorkaas heystay Messi muddo 11 sano ah.

Kabtanka Argentina ayaa isagoo jira 22 sano saddexley ka dhaliyay naadiga Tenerife sanadkii 2010 xilligaas oo ay Barcelona 5-0 ku adkaatay ciyaar ka tirsaneyd La Liga, tan iyo markaasna Messi ayaa heystam laacibka ugu da’da yar ee kulan horyaal ah ka dhaliyay saddexley isagoo uu macallin u yahay Pep Guardiola.

Torres ayaa haatan 125 maalmood ka yar da’dii uu jiray La Pulga markii uu sameynayay rikoorkaas 11 sano ka hor, waxaana xalay saddex gool ku dhaliyay muddo 24 daqiiqo ah isagoo ka saaciday kooxda Manchester City inay guul ka gaarto naadigii ay martida u noqotay ee New Castle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here