Kylian Mbappe oo dalab aanan macquul ahayn hordhigay PSG iyo suuro galnimada ay Paris ku weyneyso xiddigan oo sii korortay

0
240

Paris(Idaacadda Waamo)-Mustaqbalka Kylian Mbappe ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa lugaha lasii galay hubanti la’aan weyn, waxayna PSG kala dooran doontaa laba xaaladood oo kala duwan kaddib markuu laacibkan iska diiday inuu qandaraas cusub saxiixo sii Faransiiska usii joogo.

Mbappe ayaa kooxdiisa hor dhigay kala doorashada laba daran oo kala ah in xagaagan la iibiyo kooxda ay saxiixiisa lacag ku hesho ama inuu xagaaga dambe qaab bilaash ah kaga tago Parc des Princess marka uu dhammaado heshiiskiisa.

Marka laga cabbir qaato qaabka ay haatan wax u socdaan, waxay u muuqataa in xaaladda labaad ay hirgasho, sidaas darteed, weeraryahanka Faransiiska ah ayaa doonaya in wada-xaajoodka heshiis kordhinta lagu daro in loo ogolaado in la fasaxo haddii uu dalab ka helo koox uu doonayo saxiixeeda, waxaana magaceeda la xusay Real Madrid, hase ahaatee, Paris Saint-Germain ayaa diiddan inay aqbasho qodobkaas.

Marka laga soo tago diidmada PSG, Mbappe ayaa dareemaya in qodobkaas uu yahay mid u dan ah labada dhinac maadaama kooxdu ay dooneyso inuu heshiis cusub saxiixo isna uu daneynayo inuu xor u noqdo ku biirista naadiga riyadiisa ah haddii ay usoo ruqaansato saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, qodobka uu doonayo 22-jirkan ayaanan sharci ahaan dhaqan geli karin maadaama qodob ceynkaas in heshiiska lagu daro aanan laga ogoleyn inay xiddigaha Faransiiska ka ciyaara ay la galaan kooxahooda sida ku xusan qodobka 202 ee ururka ay ku mideysan yihiin kooxaha kubadda cagta Faransiiska ee French Professional Football League.

Taas baddelkeed, si gaar ah oo aan sharci ahayn way ugu heshiin karaan labada dhinac, balse waxaa dhici karta inay kooxdu ka baxdo sida warar hoose lagu helay inay Paris naadiga ka dhisan kaga baxday heshiiskaas oo kale Neymar Jr kaasoo doonayay ku laabashada Barcelona.

Ugu dambeyn, kooxda Paris Saint-Germain ayaa Kylian Mbappe ku lumin karta qaab bilaash ah xagaaga dambe iyadoo ay xusid mudan tahay inay afar sano kahor 180 milyan oo euro kaga soo qaadatay naadiga Monaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here