Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaallada is-haga

0
32

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waqooyi ayaa gantaal nuuca is haga ee joogga hoose tijaabisay saakay oo Axad ah, sidaasi waxaa sheegtay Warbaahinta afka dowladda ku hadasho ee KCNA.

Hogaamiyaha dalka Kim Jong Un ayaa kormeeray tijaabadan, sida lagu sheegay warbixinta, taasoo ku tilmaantay tijaabo loo maray “Nidaamka hubka ee muhiimka ah.”

Gantaalada istiraatijiga ah ee biyaha hoostooda ilaa dhulka dushiisa mari kara ayaa socday 1,500 kilomitir waxayna duuleen inta u dhaxaysa 7,507 iyo 7,511 ilbiriqsi ka hor intaysan gaarin bartilmaameedkoodi, ayaa lagu yiri warka lagu daabacay KCNA.

KCNA waxay kaloo sheegtay maanta, in wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ay wacad ku martay in ay sameyn dootno ka hortag adag oo ka dan ah Mareykanka, ilaa iyo inta ay Washington diideyso bay yiraahdeen madax-bannaanida Pyongyang.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii wareysi uu bixiyay ku sheegay, inuu mar kale la xiriiri doono Kim, ka dib markii ay labada hogaamiye ay si fool ka fool ah u kulmeen muddo xileedki koowaad ee madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here