Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kulankaan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka dowlad goboledka Jubbaland, Kaas oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo waxaa diirada lagu saarayay dib u eegista fatawaadka ka dhanka ah gudniinka fircooniga ee gabdhaha wax yeeleeya .
Madasha kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Jubbalan Marwo Cadar Ismaacil Juraati iyo Agaasimaha waaxeedka arimaha Diinta ee Wasaaradda Cadaalada owqaafta iyo arimaha diinta Jubbaland iyo Masuuliyiinta kale ee ka shaqeeya wasaaradda Haweenka.
Hamdi Maxamed Yaasiin ,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.