Kulan looga hadlayay Sharciga doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

0
313

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa magalada Mogadishu kula kulmay Guddiga ku meelgaaarka ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka labada Guddi ayaa diiradda lagu saaray talo is dhaafsi ku aaddan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen labada gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la wadaagay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka talooyinkooda ku aaddan nuqulkii u danbeeyay ee Sharciga Doorashooyinka ay dhawaan ansixiyeen Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka JF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here