Kulan looga hadlayay dar-dar galinta dakhliga gudaha oo lagu qabtay Kismaayo

0
36

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Goboleedka Jubbaland ayaa daahfuray magaalada Kismaayo Kulanka Dar-dar galinta Dakhliga gudaha oo ay kasoo qayb galeen Qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyada Jubbaland. kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray hormarinta adeegyada canshuurta ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Sakariye Cabdi Cali oo daahfuray kulanka ayaa ka warbixiyay muhiimadda kulanka iyo waxyaabihii kala duwanaa ee looga hadlay.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here