Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi bulsho oo lagu gorfeeyay dhisitaanka Golaha Deegaanka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii bulshada deegaanka looga qeyb gelin lahaa qorshaha dhismaha gole deegaan oo matala dadka reer Ceelwaaq, islamarkaana lagu saleeyo wada-tashi, daahfurnaan iyo maamul-wanaag.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.