Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga ee Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah kulan muhiim ah ugu yeeshay magaalada Kismaayo. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta arrimaha cadaaladda iyo amniga, iyada oo la isla eegay caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo adeegyada la xiriira garsoorka iyo sugidda amniga Bulshada.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.