Kulan ku saabsan horumarinta duulista rayidka oo Muqdisho lagu qabtay

0
10

Kismaayo(Idaacadda Waamo)Wasiir dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaaliya xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar ayaa maanta shir- gudoomiyey kulan looga hadlayey hanaanka hortabinta shaqada hay’ada duulista Rayidka oo ay ka soo qaybgaleen Maareeyaha guud ee hay’adda Axmed macalin Xasan, mareeyaha Garoonka Aden Cadde iyo xubno kale ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey waajibaadka shaqo ee waax walba, caqabadaha jira iyo fursadaha kor loogu qaadi karo waxtarka hay’adda duulista dhinacayada amniga hawada Hormarinta Garoomada Dalka iyo falaqaynta abuurista fursado kale oo lagu hormarinayo hanaanka waxkabadalka qorshayaasha hortabinta u ah tiirarka Hay’adda iyo Garoomada Mareeyah Guud ayaa Wasiirka Warbixin ka siiyaey guulaha lagaadhay iyo yolalka la hiigsano ee lagu hormarinayo Duulista Iyo xirfadaha, Shaqaalaaha Ka shaqeeya Hagista diyaaradaha Hawadeenna mara oo ay Somaaliya noqotay Dalka ugu xirfadaha Wanaagasan ee dhanka Amniga hawada iyada oo laga taxadaray dhicitaanka Waxyeeelo nafeed iyo mid Hantiyadeed, Badabaada Diyaaradaha Gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo u hogaansanaanta Sharciga Caalmagiga ah ee Duulista Rayidka Aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here