Kismaayo(Idaacadda Waamo)-𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 h𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮 𝐱𝐢𝐥 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 uu 𝐂𝐢𝐧𝐰𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐚 “𝐊𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐀𝐘𝐒𝐓𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐔 𝐋𝐄𝐄𝐘𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗 𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍”.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xassan Macallin ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda garsoor madaxbannaan uu u leeyahay Jiritaanka dowladnimada iyo hellitaanka Caddaalad dhamaystiran.
Wasiir Xasan ayaa xusay in Sadaxda hay’addood ee dowladdu ay ku taagan tahay laba la dhamaystiray, halka Garsoorka uu weli qabyo u yahay Dastuurka, wuxuuna xusay in ay yihiin laba isku xiran.
kulanka ayaa lagu soo bandhigay Dood-Wadaag laxariirta kaalinta dhamaystirka Dastuurka u leeyahay dhismaha Garsoor madax bannaan, waxaana doodda qayb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Siciid Cali Maxamad, Xeer ilaaliye Musdaf Macallin Cali iyo Xeeldheere Sharci Xusseen Cabdi Cilmi.