Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madasha aqriska Maan Kulan qeybteeda magaalada Kismaayo ayaa waxa ay qabatay kulan dood wadaag ah kaas oo looga hadlayey doorka ay ka qaadan karaan Aqoonyahanka iyo dhalinyarada horromarinta dalka.
waxaa ka soo qeyb galay dooda Prof Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed Axmed Cabdi Haadi oo ah lataliye siyaasadeed iyo Xasan Mudane oo ah qof u dhaq dhaqaaqa arimaha dhalinyarada iyo waxbarashada iyo Mubaaraka Maxamed Axmed oo ah musharax u taagan qabashada mid ka mid ah kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.