Kooxda Sao Paulo oo xaqiijisay in Real Madrid ay xiiseynayso mid ka mid ah xiddigaheeda

0
437

Sao Paulo(Idaacadda Waamo)Maamulaha guud ee Kooxda Sao Paulo ninka la yiraahdo Alexandre Passaro ayaa xaqiijiyey in Real Madrid ay xiiseynayso inay la saxiixato Igor Gomes.

21-sano jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay kooxda koowaad ee Sao Paulo xilli ciyaareedkii hore, waxaana qaab ciyaareedkiisa uu soo jiitay indhaha kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub oo ay ku jiraan Real Madrid, Barcelona, ​​Sevilla iyo Ajax.

Passaro ayaa ku adkeystay inaysan jirin qaab rasmi ah oo loogu dhawaado xiddigan khadka dhexe ee wax weerara illaa iyo haatan, laakiin waxa uu xaqiijiyay in Real Madrid ay isha ku hayso xiddiga reer Brazil.

“Ma jirin hab rasmi ah oo ka yimid Real Madrid ama koox kale, waxa aan ognahay waa in Real Madrid ay garaneyso oo ay raacdo ugu jirto Igor, sida ay dhab ahaantii ula socdaan da’yar kale oo badan oo adduunka ah oo ay ku jirto kooxdeenna,” ayuu u sheegay Globo Esporte.

“Sidoo kale waxaa jira suurtogalnnimada ah in Igor uu helo baasaboorka Portugal lixda bilood ee soo socota, taasoo la micno ah inuusan ku qaadan doonin koox Yurub ka dhisan isagoo ah ciyaaryahan ajnabi ah, laakiin ma jiraan wax socda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here