Kooxda Real Madrid oo qorsheynaysa inay sanadka 2022-ka bilaash ku qaadato Paul Pogba

0
254

Madrid(Idaacadda Waamo)-Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa doonaysa inay sanadka 2022-ka bilaash ku qaadato Paul Pogba.

Warsidaha Defensa Central ayaa warinaya in Kooxda Real Madrid ay waji joogteynayso doonista laacibka khadka dhexe ee Manchester United, Paul Pogba.

Los Blancos ayaa rajaynaysa inay beeca xorta ah ama qaab bilaash ah ku soo qaadato Ku guuleystaha Koobka Adduunka ee Paul Pogba.

Pogba oo 28-sano jir ah haatan ayaa heshiiskiisa uu iminka ku joogo garoonka Old Trafford waxa uu ku eg yahay xagaaga 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here