Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa loo caleemo saaray horyaalka Intercontinental Club Confederations Cup, ka dib markii ay ciyaartii finalka ku garaacday kooxda reer Mexico ee Pachuca.
Real Madrid ayaa 3/0 ku Garaacday kooxda Pachuca waxaana ku guulaysteen koobka Club Confederations Cup, Kooxda Pachuca ayaa usoo baxday finalka, ka dib markii ay garaacday kooxda heysata horyaalka South America ee Botafogo, ka dibna waxay garaaceen kooxda Al-Ahly ee Masar.
Real Madrid ayaa sugaysay finalka maadama ay tahay kooxda ku guulaystay tartanka champions league iyadoo nidaamka cusub ee tartanka uu ka dhigayo kaliya kooxda heysata tartanka ugu tunka weyn yurub in ay ciyaarto Kaliya hal kulan.
Xiddigaha kala ah Mbappe, Rodrygo iyo Vini JR ayaa 3-da gool u dhaliyay kooxda Real Madrid, waxaana ciyaarta ay ku dhamaatay 3/0 ay guushu ku raacday Real Madrid.