Kooxda Real Madrid oo Heshiis Cusub ka Saxiixatay Tababareeda.

0
66

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay Tababaraha Carlo Ancelotti.

Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub oo ilaa sanadka 2026 ah ka saxiixatay Tababaraha kooxda 1-aad, Arintan ayaa imanaysa xilli uu shaki ku jiray mustaqbalka tababaraha ee kooxda Real Madrid bilihii ugu dambeeyay.

Ancelotti ayaa lala xidhiidhinayay in uu tababare u noqon karo xulka qaranka Brazil kuwaas oo ku raad joogay tababaraha, Laakiin Los Blancos ayaa u muuqata kuwo albaabka ka xiray xulka qaranka Brazil si ay u sii haystaan xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here