Kooxda Real Madrid oo 3-1 Ku Garaacday Kooxda Barcelona

0
198

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulan dhex maray kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Spain ayaa ahaa mid xiiso goobi ah leh, Kooxda Real Madrid ayaa u awood sheegatay kooxda Barcelona kulan ka dhacay Garoonka Santiago Bernabue ee Kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 12-aad ayay Kooxda Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay kabtankooda Karim Benzema kaas oo shabaqa ku taabtay kubad uu soo celiyay Goolhayaha Kooxda Barcelona.

Real Madrid ayaa ka faa’iidaystay khaladaada ay sameenayeen daafacyada Barcelona waxana ay ka dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga qadka dhexe ee Federico Valverde kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kadib qeybtii labaad fursado badan oo ay khasaariyeen kooxaha, Barcelona ayaa daqiiqadii 83-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo hal gool u soo celiyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Daqiiqadii 89-aad ayaa Real Madrid rikoodhe loo dhigay kadib markii xiddiga Eric Garicia khalad ku galay xiddiga Rodrygo kaas oo badal ku soo galay ciyaarta.

Xiddiga Rodrygo ayaa gool u badalay rikoodhada waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Kooxda Real Madrid ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid 3/1 ku garaacday kooxda Barcelona si buuxdana hogaanka horyaalka  ula wareegtay kuna qabatay 3 dhibcood oo cadaan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here