Kooxda Paris St-Germain oo wadahadallo la billowday Weeraryahanka Chelsea ee Romelu Lukaku

0
235

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Paris St-Germain ee ka dhisan caasimadda Faransiiska ayaa la soo warinayaa inay wadahadallo la billowday Weeraryahanka naadiga Chelsea ee Romelu Lukaku.

Warsidaha French news ayaa warinaya in PSG ay wahadallo ay kula soo saxiixanayso la billowday Weeraryahanka Chelsea ee Romelu Lukaku kaliya hal sano kaddib markii uu 28-sano jirkaan ku soo biiray Blues.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa Kooxda Chelsea uga soo dhaqaaqay dhinaca Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga, waxaana ay ku soo qaateen 98 milyan oo gini.

Weeraryahankan ayaa hoos uga dhacay xulashada tababare Thomas Tuchel ee safka Chelsea, waxaana laga yaabaa inuu laftiisu doonayo inuu raadiyo koox cusub oo uu si joogto ah ugu ciyaaro.

Wakiilka Lukaku ayaa ku howllan sidii uu u dhaqaaqi lahaa xiddigan, waxaana la soo warinayaa inuu haatan wadahadallo kula jiro agaasimaha ciyaaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Leonardo.

Kylian Mbappe ayaa ku dhow inuu dhammaado qandaraaskiisa haatan, waxaana si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid, kooxda reer France ayaana u baahan karta weeraryahan dhexe haddii Mbappe uu baxo, taasoo wadada u xaari karta Lukaku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here