Kooxda Manchester United oo lambarrada ka beddelaysa tiro ka mid ah xiddigaheeda

0
377

Manchester(Idaacadda Waamo)Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lambarrada ka beddelaysa afar ka mid ah xiddigaheeda oo uu ku jiro Scott McTominay.

Xiddigahan ay Manchester United isbeddelka ku sameyn doonto lambarradooda ay u xirtaan ayaa xilli ciyaareedka dambe la kowsan doona, iyadoo dhabarka ku sida lambarro aan ahayn kuwii hore ee lagu yaqaannay.

Kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford ayaa caan ku ah inay xiddigaheeda marka hore ku tijaabiso lambarro caan ah, sidii ay horay ugu sameysay Roy Keane bilowgii waayihiisa kooxda, iyadoo loo xiray lambarka caanka ah ee halyeeyada kooxdu intooda badan soo xirteen ee 7-aad.

Keane ayaa sidaasi kaga mid noqday xiddigaha  Man Utd oo uu dhabarkooda ka soo muuqday lambarka caanka ah ee 7-aad oo ay caan ku ahaayeen xiddigaha sida; George Best, Bryan Robson iyo Eric Cantona.

Xiddigii hore ee xulka qaranka England ee David Beckham ayaa isagana loo xiray lambarka 16-aad, waxaana laga beddelay xilli dambe oo ay ku beegnayd sanadkii 1997-kii markii uu Eric Cantonna ka baxay garoonka Old Trafford.

Macallin Jose Mourinho markii uu joogay kooxda Manchester United, waxa ay sidoo kale isbeddel ku sameysay qaar ka mid ah lambarrada xiddigaheeda, waxaana lambarka 3-aad loo xiray Eric Baily, iyadoo lambarka 6-aad loo banneeyey Paul Pogba.

Haatan Manchester United waxaa u bannaan oo ay haysataa lambarrada 11, 19, 27, 30 iyo 34, waxaana ay isbeddel ku sameyn doontaa lambarrada afar ka mid ah xiddigaheeda.

Sida warbixinta lagu sheegay macallin Ole Gunnar Solskjaer waxa uu doonayaa in Mason Greenwood iyo Angel Gomez oo hadda qaata lambarrada 28-aad iyo 26-aad uu soo gaabiyo lambarradooda, sidoo kale xiddigaha lambarrada laga bedellayo waxaa ka mid noqon dooona Brandon Williams, kaasoo ka soo dallacay da’yarta.

Dhinaca kale xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay oo hadda Man United u qaata lambarka 39-aad ayaa la siin doonaa lambarka ay kala dhaxleeyn halyeeyada Kooxda Michael Carrick iyo Roy Keane ee ah lambarka 16-aad.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa lambarkan 16-aad kooxda u qaadanayey Daafaca Marcus Rojo, kaasoo haatan amaah ugu maqan dalkiisa Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here