Kooxda Manchester United oo doonaysa inay saxiix kale sameyso inta uusan Suuqa xirmin

0
202

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay weli suuqa ka doonayso inay ugu yaraan hal saxiix oo kale ka sameyso suuqa kala iibsiga inta aan Albaabada loo laabin 31-ka bishaan Agoosto.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa suuqan ku guuleystay inuu la soo wareegto Jadon Sancho oo ka soo qaatay Borussia Dortmund iyo Rafael Varane oo uu kala soo saxiixday Kooxda Real Madrid, labada ciyaaryahan ayaana bartilmaameedka koowaad u ahaa kooxda.

Si kastaba ha noqotee sida ay warinayso Manchester Evening News Kooxda Man United ayaan ganacsigeeda suuqa intaas ku dhammaanin, waxaana la filayaa inay sameeyaan fursad kale oo ay kula soo saxiixanayaan laacib khadka dhexe ka ciyaara labada todobaad ee ka haray suuqa kala iibsiga.

Calaamad su’aal ku saabsan mustaqbalka Paul Pogba ayaa taagay, maadaama uu hadda galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, ciyaartoyd badan oo uu ka mid yahay Nemanja Matic ayaana loo arkaa inay dheeraad ku yihiin Kooxda.

Man United ayaa haatan xagaagan qarash-gareystay lacag dhan 110 milyan oo gini, inkastoo ay rajeynayaan inay xoogaa lacag ah ka helaan bixitaanka ciyaartoy, iyadoo la iibinayo ciyaartoy ay ka mid yihiin Jesse Lingard iyo Phil Jones, halka Andreas Pereira iyo Brandon Williams la filayo inay amaah uga tagaan kooxda.

Haddii Red Devils ay maamusho xoogaa lacagaha ah ee ay ka hesho xiddigaha ka tagaya, markaas waxa ay eegi doonaan inay soo qaataan bartilmaameedkooda khadka dhexe ee Kooxda Rennes, Eduardo Camavinga, kaasoo lagu qiimeeyo ku dhowaad 34 milyan oo ginni, maadaama qandaraaskiisa uu ka harsan yahay wax ka yar hal sano.

Ciyaaryahanka Kooxda Brighton & Hove Albion ee Yves Bissouma ayaa sidoo kale la rumeysan inuu yahay beddel ay u dhaqaaqayaan haddii ay awoodi waayaan inay soo wareegaan 18-sano jirka reer France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here