Kooxda Man United oo laga soo diiday dalab ay ka gudbiyeen Weeraryahanka Atalanta

0
83

Kismaayo(Idacaadda Waamo)-Kooxda Man United ayaa laga soo diiday dalab rasmi ah oo ay ka gudbiyeen xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda reer Italy ee Atalanta Rasmus Hojlund.

Kooxda Man United ayaa Rasmus Hojlund u calaamadsatay bartilmaameedkooda 1-aad eeĀ  suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo uu Tababare Ten Hag uu jecel yahay xiddigan weerarkiisu halista yahay ee Rasmus Hojlund.

Sida laga soo xiganayo Wargeyska Corriere dello Sport Kooxda Atalanta ayaa Man United ka diiday dalab lacageed dhan 35 milyan oo ay ku doonaysay xiddigeeda Rasmus Hojlund, kooxda Atalanta ayaa xidigan ku dooneyso qiimo lacageed dhan 45 milyan.

Xidiga Rasmus Hojlund ayaa wacdaro ka dhigaya kooxdiisa Atalanta iyo xulkiisa qaranka ee Denmarka waana xiddiga ugu goolasha badan tartanka is reeb-reebka Euro 2024 isaga oo dhaliyay 5 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here