Kooxda Man United oo Ku Dhawaaqday Iney Ceyrisay Cristiano Ronaldo.

0
225

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda Man United iyo Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa si Rasmi ah ugu heshiiyay in ay kala tagaan isla markaas ay kooxdu kansashay heshiiskii ay kula jirtay xiddigu.

Cristiano Ronaldo ayaa waraysi muran badan dhaliyay bixiyay todobaadkii hore waxana uu weerar ku qaaday xiddigaha, kooxaha, tababarhaa iyo waliba Milkiilayaasha kooxda.

Kooxda Man United ayaa haatan xaqiijisay in uu xiddiga Cristiano Ronaldo ka tagay kooxda kadib markii ay labada dhinac ay ka heshiiyeen in la kansalo heshiiska.

Man United ayaa warbixin ku soo saartay”Kooxda Man United waxa ay Cristiano Ronaldo uga mahad celinayaa wixii uu kooxda usoo qabtay labadii sano ee uu joogay”.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa dhinaciisa baraha bulshada ku qoray ”Kadib wadahadalo aan la aatay Man United waxa aan ku heshiinay in aan kansalno heshiiska”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here