Kooxda Man United oo dalab ka gudbisay Xiddiga Marcos Alonso

0
62

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Barcelona ee Marcos Alonso.

Man United ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato daafac Bidix kadib dhaawacii soo gaadhay Luke shaw kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo bilo ah.

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska fasaxdo xiddiga 32 jirka ah iyaga oo la soo saxiixanaya xiddiga Man City ee Joao Cancelo, Man United dalab amaah ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Alonso si ay ugu xoojiso kooxda.

Wargayska Marca ayaa dhinaciisa sheegaya in ay kooxda Man United heshiis 2 sano ah oo uu ku joogayo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here