Kooxda Man City oo guul ku bilaabatay Horyaalka Premier League 

0
116

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man City ayaa guul ku bilaabatay difaacashada horyaalka premier League iyaga oo garaacay kooxda Burnley.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man City ay maamulaysay sidii caadada ahayd kooxda fiican kana awood badna kooxda ku soo laabatay premier League.

Haaland ayayna ku qaadan wax ka badan 4 daqiiqo in uu furo goolashiisa xilli ciyareedka cusub ee horyaalka premeir League kadib markii uu dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa.

Daqiiqadii 36-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Haaland kaas oo sii dheeraystay goolasha uu dhalinayo kana dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican siina waday dadaalada ay ku doonayso goolal xilli ay ka awood badna yihiin Burnley.

Man City ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodri kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay City ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul ay u qalantay ku bilaabatay Difaacashada horyaalka premier League fariina u dirtay kooxaha kula tartamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here