Lisbon(Idaacadda Waamo)Kooxda kubadda cagta Lyon ee reer France ayaa iska xaadirisay afar dhammaadka tartanka Champions League markii ay miirka ka ceshatay oo ay tartanka ka reebtay Manchester City, kaddib kulan ku soo dhammaaday 3-1.
Lyon ayaa goolka la horreysay waxaa 24’daqiiqo u dhaliyey Maxwel Cornet, kaasoo kubbad jaran ka dhaliyey goolhayaha Man City oo bannaanka wareegayey, waxaana Pep Guardiola kooxdiisa lagu hoggaamiyey 1-0, sidaas ayaana lagu kala nastay.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Manchester City ayaa goolkaas iska soo gudday, waxaana 69’daqiiqo u dhaliyey Kevin De Bruyne, kaddib caawin uu ka helay Raheem Sterling ayuuna dacalka ka galiyey shabaqa kooxda Lyon kulanka ayaana ku soo laabtay gar isku mid ah 1-1.
Moussa Dembele oo bedel ku yimid ayaana ciyaartan guusha u gacan geliyey kooxdiisa Lyon, markii uu labo gool ugu shubay Manchester City.
79’daqiiqo ayuu Moussa Dembele dhaliyey goolkiisa koowaad ee ciyaarta kaasoo ahaa kii labaad oo ay Lyon ka dhaliyo kooxda reer England, waxaana uu ka faa’iideystay fursad ay daafacyada Man City moodayeen garab dhaaf, isagoo kulanka ka dhigay 2-1 ay ku gacan sarreysay kooxdiisa Lyon.
Intaas kaddib Man City ayaa duullaan ku qaatay goolka Lyon, laakiin fursad ay ciyaarta uga dhigi kareen barbaro 2-2, waxaa ka khasaariyey Raheem Sterling, markii uu kor mariyey fursad shabaqa ku taabo ahayd.
Taas ayaana lagu qibaatay Pep Guardiola kooxdiisa, iyadoo markale uu shabaqa soo taabtay 87’daqiiqo Moussa Dembele, kaddib markii uu ku celiyey kubbad uu soo tufay goolhaye Ederson, kulanka ayaana sidaas ku noqday 3-1 lagu hoggaamiyey Man City.
Wixii markaas ka dambeeyey Manchester City waa ay ku guuldarreysatay inay xitaa gool kale soo celiso kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 ay ku adkaatay Lyon.