Kooxda Liverpool oo Ku Guuleysatay Koobka Community Shield

0
241

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ka dib ciyaar ay soo bandhigeen kubad maamulkeedu uu sareeyay Liverpool ayaa la hoyatay koobka Community Shield ay 2/1 kaga qaadeen City , waxa uuna u noqonayaa koodii 16-aad taariikhda.

Biloowgii cadaadis saareen City kuwaasi oo dhankooda aqrinayay hanaanka ciyaarta xilli Liverpool doonayeen gool waqti hore .

City halis gilin muuqata ma aysan sameyn mana ku fiicneyn dhex jiiridda daafaca kooxda Klopp inakstoo weerarka soo dhisayeen

Liverpool isku balaarinta garoonka iyo in kubadda durba soo ceshtaan ayay ku fiicnaayeen , waxaana goolka u dhaliyay Arlond daqiiqadii 21-aad

City waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen deg degsiimo la`aan garbaha iyo guud ahaan daahinta kubadda , waxa ayan Liverpool ku wacnaayeen isku dayada afka hore .

Soo laabashadii , City cagteeda waa ku badneyd balse in si sax ah afka  hore ugu dhaqaajiyaan ayaa ka maqneyd xilli Liverpool dagaal gool labaad ah ay wadeen .

De Bruyne ma aheyn maalintiisa , City waa u nuglaayeen gool labaad , waxaa furneyd qadkooda dhexe halka ay abuurayeen masaaxooyin Liverool u saamaxayay in ay ku adeegtaan .

City inakstoo laga filan karay wax waliba hadana waxaa muuqaneysay in isk xernaanta ay ka maqneyd xilli Liverpool ku wacnaayeen deg degsiimada

Liverpool waxa ay ka faa`ideysanayeen qaladaad ka dhacayay City oo ah in afka hore daafacooda u soo dhaqaaqayeen waxa ayna City daqiiqadii 69-aad heleen gool ka dib markii Var lagu laabtay loo ansixiyay waxaana lahaa J. Alvarez

Ka dib dhacadaas iyp badelo ay labada dhinac sameeyeen wax waliba ayaa laga flan karay ciyaarta xilli Liverpool qalad rigoore ah heleen waxaana daqiiqadii 80-aad laaday oo shabaqa dhigay Salah.

Jir ahaan iyo maskixiyan , Liverpool diyaar ayay u ahaayeen kulankaan , waxa ayna waqtigii geerida ugu dareen gool sedexaad waxaana lahaa D. Nunez

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here