Kooxda Liverpool oo indhaha la raacaysa da’yarka Real Madrid ee Eduardo Camavinga

0
168

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay indhaha la raacayso da’yarka Real Madrid ee Eduardo Camavinga, sida uu warinayo Warsidaha El Nacional.

Reds ayaa markaan diiradda saaratay laacibka khadka dhexe ee reer France, waxaana ay doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

19-sano jirkaan Camavinga ayaa garoonka Santiago Bernabeu ugu soo dhaqaaqay 40 milyan oo euro oo u dhiganta 33 milyan oo gini ama 45 milyan oo dollar, waxaana uu ka soo wareegay dhinaca kooxda Rennes xagaagii hore.

Yeelkeede, tan iyo markaas wuxuu ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo safka hore ee Kooxda Macallin Carlo Ancelotti.

Liverpool ayaa laga yaabaa inay dhaqaaqdo saxiixa xiddigan haddii Camavinga uu ku guuldareysato inay xaaladdiisu soo fiicnaato oo safkiisa hore heli waayo, iyadoo Tababare Jurgen Klopp uu muddo dheer jeclaa ciyaaryahankan khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here