Kooxda Liverpool oo Gaartay Final-ka Champion League.

0
399

Kismaayo (Idaacadda Waamo) Kooxda Kubada Cagta Liverpool ayaa xalay guul ay ka gaartay Kooxda Villarreal ayey isaga xaadirisay Finalka Koobka yurub ee Champions League, qeybtii hore ciyaarta xalay kooxda Liverpool waxaa laga haystay qadka dhexe waxaana lagu dilay kubad deg degsiimo leh oo ay ku imaadeen labo gool oo la kala dhaliyey daqiiqadihii 3-aad iyo 41-aad waxa ayna Villarreal soo bandhigeen kubad kalsooni leh.

Laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta Kooxda kubada cagta ee VillarrealĀ  waxaa lagaga wareegay ciyaarta waxaana ciyaarteedii dib usoo bilowday kooxda Liverpool waxayna goolal kala dhalisay daqiiqadihii kala ahaa 62-aad , 67-aad iyo 74-aad.

ciyaarta ugu dambeyn kusoo dhamaatay 3-2 oo ay guushu ku gaartay kooxda Liverpool, Liverpool ayaa guud ahaan labadii lug waxay soo dhalisay goolal gaarayo ilaa 5 Gool waxaana laga dhaliyey 2 Gool oo qura, sidaas ayeyna ku gaareen Final-ka Champion League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here