Kooxda Liverpool oo Dooneyso daafaca Porto Chancel Mbemba.

0
267

Liverpool (Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa damaceeda u weecisay xidiga daafaca ka dheela ee ka itrsan Fc Porto Mbemba kaas oo bandhig weyn sameeyey Kulankii ugu dambeeyey ay usoo baxeen wareega Quartel Finalka champions league iyagoo celcelis ahaan uga soo baxay 4-4 xidigaan ayaana soo jiitay kooxda Liverpool.

Daafaca dambeedka dhexe ee Porto Chancel Mbemba ayaa Liverpool soo Jiitay kadib markii uu guuleystay in kooxdiisa usoo saaro Champions League kulankii ay la ciyaareen Juventus isbuucaan, Tuttomercatoweb ayaa sheegay in Reds ay ka fiirsan doonaan dalabla ay ka gudbin doonaan 26 jir ah xagaaga.

Mbemba waxaa lagusoo  bilaabay 33 kulan oo horyaalka ah Newcastle isagoo 20 jir ah 2015-16, laakiin ugu dambeyntii waxaa loo diray Portugal ka dib markii uu lumiyay booskiisii kooxda. Naadigiisa haatan ayaa lagu soo waramayaa ineey ku qiimeyso £ 12.8m (€ 15m / $ 17.9m) si loogu wareejiyo kooxdii xiiseyneyso.ImageImage

ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here