Kooxda Juventus oo xaqiijisay haddii Weston McKennie uu diyaar u yahay inuu wajaho Inter Milan

0
295

Turin(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday haddii Weston McKennie uu diyaar u yahay inuu wajaho naadiga Inter Milan, kaddib dhaawac soo gaaray dhowaan.

Juventus waxa ay xaqiijisay in Weston McKennie uusan dhaawaciisa muruqa ahayn, isla markaana uu diyaar u noqon doono kulanka ay wajahayaan Kooxda Inter Milan ee horyaalka Serie A Axaddda.

Xiddiga xulka qaranka Mareykanka ayaa lagu bedelay Aaron Ramsey kaddib 19 daqiiqo kulankii ay Juventus 3-1 kaga adkaatay Sassuolo, waxaana jiray suurogalnimo ah inuu laacibkani ka dhaawacmay muruqa.

Waxaa la filayaa inuu McKennie seegi doono kulanka wareegga 16-ka Coppa Italia oo ay wajahayaan caawa Genoa.

Yeelkeede, kaddib markii tijaabo lagu sameeyey McKennie ayaa dib ugu soo biiray tababarka buuxa ee kulankooda soo aaddan, waxaana uu diyaar u noqon doonaa inuu wajaho Inter Milan Axadda soo aaddan.

22-sano jirkaan ayaa xiddig muhiim ah u noqday Juventus, tan iyo markii uu ku soo biiray suuqii xagaaga, waxaana uu horyaalka Serie A u dhaliyey labo gool isagoo u sameeyey labo caawin 13 kulan oo uu u ciyaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here