Kooxda Juventus oo xalay ku Guuleysatay Coppa Italia

0
51

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ee Juventus ayaa xalay ku Guuleysatay Coppa Italia, kadib markii ay 1-0 uga badiyeen kooxda Atalanta.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar-dar ay labada kooxood ku doonayaan in midba mida kale ay disho ciyaarta waqti hore balse kooxda Juventus ayaa daqiiqadii 4- waxay heshay goolka madiga ay ciyaarta ku badisay oo ay ku qaaday koobka loo yaqaano Coppa Italia.

ciyaarta ayaa qeybta hore kusoo dhamaatay 1-0 oo ay ciyaarta ku hogaamineyso kooxda Juventus, waxaan goolkaasi ay uga macadcelineysaa Weeraryahankeeda Vlahovic.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay iayadoo labada kooxoodba aysan wax badan ka badalin ciyaarta, maadaama labada kooxood ay ku kala jareen dadaalo kala duwan oo ay kooxda Atalanta ku dooneyso iney goolka barbar dhaca ku keenta, halka kooxda Juventus-na ay ku dooneyso iney hogaanka sii dheereysato.

ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 1-0 oo ay kooxda Juventus ku qaaday Coppa Italia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here