Kooxda Juventus oo doonaysa inay sanadka 2021 la wareegto bartilmaameedkii Arsenal

0
291

Turin(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay sanadka 2021-ka la wareegto bartilaameedkii Arsenal ee Houssem Aouar.

Warsidaha Calcio Mercato ayaa warinaya in Kooxda Juventus ay dib u soo nooleyn doonto sanadka 2021-ka xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon Houssem Aouar.

22-sano jirkaan ayaa la warinayey inuu u dhaqaaqayo Kooxda Arsenal xagaaga oo dhan, laakiin Bianconeri ayaa sidoo kale xiriir la sameysay wakiilkiisa maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Inkastoo Juve aysan awoodin inay heshiis la gaarto laacibkan ka hor maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga kaasoo dhowaan xirmay ayaa hadda waxa ay qorsheynayaan inay dib u soo celiyaan raacdadooda markii suuqa kala iibsiga dib loo furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here